Awdal News Network
Republic Of Somaliland

-
 
Advanced Search

 Home - Top 10 -  Contact Us - BBC Somali 5:00PM - BBC Somali 9:00PM - Radio Hargeisa

Thursday, September 09, 2010

condolence

 Editor's Choice
Spies, Lies and Goodbyes – Part 1
Written by Claude Salhani The killing of former Lebanese Prime Minister Rafik Hariri was until recently widely believed to have been perpetrated by the Syrians, or at least on their behalf. It was the assassination of Mr. Hariri that led to the forced departure of Syrian troops from Lebanon as a result of...
August 15, 2010 - 17:16
Saudis hope giant clock will set 'Mecca Time'
MECCA, Saudi Arabia (AFP) Muslims around the world could be setting their watches to a new time soon when the world's largest clock begins ticking atop a soaring skyscraper in Islam's holiest city of Mecca. Saudi Arabia hopes the four faces of the new clock, which will loom over Mecca's Grand Mosque from what is...
August 11, 2010 - 14:46
Archives... 
 Social Issues
Saudis order 40 lashes for elderly woman for mingling
09 March.2009 By Mohammed Jamjoom and Saad Abedine (CNN) -- A Saudi Arabian court has sentenced a 75-year-old Syrian woman to 40 lashes, four months imprisonment and deportation from the kingdom for having two unrelated men in her house, according to local media reports. According to the Saudi daily...
March 11, 2009 - 00:19
Proud to be a new Canadian
15 Feb,2009 OTTAWA — The 70 people standing in the Great Hall of the Museum of Civilization couldn’t possibly have been Canadian citizens. They waved flags. They spoke glowingly about Ottawa. And they knew all the words to O Canada. Canadians? No way, eh. Yet as they raised their right hands...
February 15, 2009 - 22:28
Afghan foetus 'aborted by razor'
BBC, 07 Jan. 2009--The family of a 14-year-old Afghan rape victim face prosecution after her foetus was removed without anaesthetic. The mother and brother of the girl are accused of cutting her open with a razor blade to perform an abortion. Doctors say the girl is in a critical condition. A man accused of raping...
January 07, 2009 - 13:10
Archives... 
 Business Issues
Bailed-out Goldman Sachs profit soars to 3.44 bln dlrs
By Veronica Smith NEW YORK (AFP) – Wall Street giant Goldman Sachs on Tuesday posted second-quarter profit of 3.44 billion dollars, beating market expectations and possibly signaling recovery in the battered US financial sector. Goldman Sachs, which has repaid a 10-billion-dollar US government bailout in full in the...
July 14, 2009 - 14:48
Is greed overcoming fear in the stock market?
By Chuck Mikolajczak - Analysis NEW YORK (Reuters) - U.S. stocks typically rebound six months before the economy, but investors worry that the current 25 percent rally since the market's March 9 low could be a red herring. At the same time, lack of investor conviction -- or simple fear -- can be considered a sign of...
April 11, 2009 - 12:17
Archives... 
 Medicine & Tech
Microchip uses nanotechnology to detect cancer
SASKATCHEWAN (CBC) - Canadian researchers have developed a prototype microchip that could one day lead to a portable device that could diagnose cancer in 30 minutes. The chip uses nanotechnology wires and materials on the scale of a billionth of a metre to detect chemical markers that indicate the presence of...
September 29, 2009 - 11:26
Study links morning sickness to brighter kids
CTV.ca News Staff Moms who spend part of their pregnancies vomiting and nauseated can take heart: Canadian research suggests they might actually have a smarter baby. Researchers at Toronto's Hospital for Sick Children's Motherisk Program have discovered that morning sickness appears to be linked to enhanced...
April 27, 2009 - 11:48
HIV mutates at high speed to avoid immune system: study
27 Feb,2009. PARIS (AFP) - - A worldwide team of scientists said the human immunodeficiency virus (HIV) was swiftly evolving to avoid the body's immune defences, a phenomenon that adds to the challenge of crafting an AIDS vaccine. Mutations in HIV enable it to rapidly sidestep genetic variations that offer a...
February 27, 2009 - 01:31
Archives... 
 Literature&poetry

August 03, 2008 - 12:40
Gabay - Bal yar kaadso    

Gabay Magaciisa la yidhaa Bal yar kaadso oo ku socda kuwa quraanku ku tilmaamay ( Humasadi lumasadi) ayaan halkan ku soo bandhigaynaa inay akhristayaashu nala wadaagaan nalana dhuuxaan sugaanta muga weyn ee ku ladhan iyo ujeedada weyn ee ka danbaysa gabayga oo ah mid si toosa ugu socota dadka Jahadu ka luntey ee xumaha weheshada ee aduunka mooyaane aakhirada Ilawsani inay ku cibro qaataan khalqiga Eebe uumay iyo waliba in qofwalba risiqiisa meel loo dhigay inta uu noolyahay ayna ka fogaadaan xaraan aan loo aabo yeelin oo nuucwalka iskugu jirta.

Taa Macanaheedu maaha dadaal la'aan inuu qofku sugo risiq usoo hoyda ee waxay tahay inuu qofku u dadaalo risiqa iyo noqolashaba balse uu ka fogaado dabeecadaha habaanimada ku lugleh ee aanu qofku u eegin xaraan iyo xalaal , xumaan, iyo wanaag, cay , iyo amaan, hubsasho , hiyilakac, lagu hayo umada inta ugu mudan , Culimiyo, Ciroole, Hal-abuur iyo Halyey, Hooyo iyo Hoodo, Suldaan iyo Suxufi, Geesi iyo Guhaad, Aqoon yahan iyo Ardada

Risiqa ugu weyn ee Eebe laga helo waxa uu yahay Imaan iyo Amaan ay edebta noloshu weheliso oo qofku helo taas oo uu kaga fogaan karo hadalo duulduula oo meel walba gaadha oo umada uu la dhex rooro layl wa Nahaar isagoon ka fiirsan cawaaqibka iyo raadreedba ay ku yeelan karto noloshiisa umada daris wanaaga iyo noloshu ka dhaxayso ee soomaaliyeed.

Waxan idhi:

Kadab-baan u helay inaan idhaa, erayo kaahweyne
Kax anoo ah daal baan hadana, kaalay leeyahey e
Kama maarmo suugaanta waan ,wada kalaamnaaye
Kali baan u sheekaysanaa, maaanso kaamila e

Kal hadaan ka soo maqanahay ,kahasho reentaaye
Intaan kaafka leeyahay ragwaan, kaga horeeyaaye
Kun hadaad ku sheekaysataan ,kayga maad heline

Kolba heer hajoogtee calow ,waan karsamayaaye
Kulaylbaan la kolonkoolayaa ,kaar kaloo culuse
Kildhigaa dabkaa lagu shidaan ,kado wadaagnaaye
Kalyahayga waxa awday ciil ,kaamiloon go'ine

Kalmad muuqleh oo wacan ,kaskii odayo waaweyndheh
Hingaad kaafku leeyahay kalaam ,kaw ahbaan idhiye
Kabashkabash ma fiicnoo ,kolay waad kab lulataaye
Kunciin kayraxaayoon colaad ,laga karayn ii dheh

Kash iyo laab ayaad kala baxday oo ,kaydkii muu madhane
Kansi boqorku uu leehiyihiyo ,kaysar soo baxaydheh
Korsaar hadalka loo dhigo murtida ,keeda muuqwacandheh
Kolkol maanso kula booda waa ,lagu kadeedmaaye
kayd ii qarsoonaa nimcada ,kala shubkeedii dheh
Konton erayle maahee korniin hadal ka waaweyn dheh

Waa kifaaxtan waxay saartantahay ,maanta keeladu e
Kolkol waxan idhaahdaa malaha ,waaba kala guure
Karashana wuxuu ila tagaa ,kawn kaloo jira e
Waa kohasho dheer oo la hubo ,inay kor aadaaye
Murti kaamiloo Eebahay, keenay garabkayga
Karti laguma keenoo kaskii ,aadmi kaba weyne
Kunciin gabaygii lagu sheegay iyo ,kulanti weeyaane

Kawriix abaartiyo diraac, kala amaan roone
Mahiigaan kulayl biiya iyo ,karanta raadkeed dheh
Kax adoo ah heemaal ,Karuur laga lisoo yaala
Oo koob dhegweyn lagu shuboo ,laabta kala saara
kabashada cantuugadu kolay waa midaad garane
Kabriid laguma eegee ifkii ,kaaha waaberi dheh

Afartaa araar kaw ah iyo, kaalintaad garan dheh
Kaliishiyo diraacdaba rabaa ,keena abidkoode
Nin kiraysta hooyguu galiyo ,kadab wuxuu quuto
Iyo nimanka daaraha kordheer ,kalax ku dhuuqaaya

Kuligood khalqiga uunka jira ama kusoo fooleh (Born and Unborn)
Malaa' iig kariim soo diraa ,kooda meel dhigaye
Inaan midina kiixayn ,kitaab soo degaa yidhiye
Kimistooda meeshii la dhigay ,wada kulaalaane
Bal yar kaadso oo joog aduun ,kaamil noqon waaye!

Mid kufaa kacaayoon aduun, kaba naxayn haatan
Iyo kii karuur daadiyee, kibirna qooqsiiyey
Kaluun bado ku hoosjira hawada ,haadka kalawleeya
Maroodiga kufaaxada leh ee ,kaynta wada jiidha
kaneecada kolay tahay wixii, kawnkan lagu uumay
Karti kuma helaan iyo kas iyo, karasho roonaane
Kaalmada Ilaahbaa u taal ,oon lagu kadeedayne
Inaan midina kiixayn ,kitaab soo degaa yidhi e
Bal yarkaadso oo joog aduun ,kaamil noqon waaye!

Hadaan kula wadaagoon dadyahow nolosha kuu sheego
Kas intaan u leeyahay hadaan, keeno garabkaaga
Sanku neefle wuu wada kacaa, kaaha waaberiye
Mid kadleeya orod iyo midaan ,kadinka dhaafaynin
Midaan kuba arkayn oon lahayn ,kaah wax lagu eego
Mid kalmadi kasoo bixin inuu, hadal la kayrkayro

Mid kadeedan oon socon midkii, kali ku nool hawdka
Mid kaynaanka aad moodo haad , hilibku soo booday
Kadaloob miday kaga tagtay ,oon is kaba raacin
Mid kadeed ku hela iyo midkii keenadu u buuxdo

Mid kastaa wuxuu kadabsan laa, kadinka uu joogo
Waa amuuro kawnkani dhamaan ,loox ku wada yaale
Kitaab soo degaa yidhi , inaan midina kiixayne
Kaalmada Ilaahbaa utaal , oon lagu kadeedayne
Bal yar kaadso oo joog aduun, kaamil noqonwaaye!

Kontonbaan jiraa iyo wadkii way kalamayaane
Waan kala dhaqaaqnoo aduun laygu kari waaye
Korniin iima hadhin camalsanbaan daba kadleeyaaye
Ninka koob qaxwaha fuuqsaday kii kaluu sugiye
Kumi kaama raacoo aduun ,waad kasii socone
Kordheer baad kalulataa, naftuna kali cabaadaaye
Intaad kabashta haysaan, wadkii wuu kusugayaaye
Kaadsada dadyahow inaad ,tidhaa wayna kaa qorine
Kolkuu kaarku soo dhaafo ,laab cunuhu kiirkiiro
Sakaraadku goortu helay, kaxankax sheegtaaye
Naftu kay lugaysana jabkii, aakhiraw kaliye
Bal yar kaadso oo Joog aduun, kaamil noqon waaye!

Nin yaraan ku loofaray ma helin, kaalintuu rabaye
Karaamada hadaad tuurto, waa lagu kadeedmaaye
Karah iyo dhib kuu soo hoydaa, kuma wanaajaane

Kash ruuxaan jacayl kuula qabin, keenadaa madhiye
Karaarbay kuwa nooshihiyo karah dhamaantiise
Xumaantaanad kala soocin iyo, kii wanaag wada e
Kashka waxaad ku haysaan ,aduun sii kalaalaxane
ilaa ruuxdu kaw ay tidhaa , kani adaygaaga
Marna kama adkaatide naftaa, kaa Itaal badane
Bal yar kaadso oo joog aduun, kaamil noqon waaye!

Kolankoolkaa xaajada gashaa, kahasho waw doore
Nabadii karaamada lahayd, koronkortaa fuushay
Kaaf-haya hadaad sheegto, waa kadab go'aagiiye
Culimada kitaabka leh intuu, kiiskastaba haysto
Mawlaha kariimkaa ogsoon, kii wanaag wada e
Kaftan la isku caayaa horuu, koobir noo badaye
Bal yar kaadso oo joog aduun ,kaamil noqon waaye

Kilow nugiyo dhaadheer, ninkii keenay waw halise
Markay keeribaalaha indhaha suursan kala hayso
Ee saxarka kiisii darnaa, kufiyo aaskiiyo
Kalif maaha eedaadku galay ,waa mid kuu rabaye
Madax kaa sareeyiyo caqlaa ,lagu kal gaadhaaye
Hadaad kii lasheegaba, huftaan waa kadeed kale e
Anaa kiina(King) iyo, keer nac baa rogay dadkeeniiye
Bal yar kaadso oo joog aduun kaamil noqon waaye

Kubaar talo qaloocshaa dadkani kaalintaa dhigaye
Qoqob hawsha keenii wadaw waa wax kuu maqane
Jeeroo kuusha loo xidho sidii Kaaha iyo luula
Walee kabashtu way socon ilaa saman kaliileede
Ragii kuboda loo tuuri jiray baa kor hiigsaday e (kubo waa hilib yar oo aan la cunin oo uus ka buuxo)
kun yey loolankay wada galaan kiiyar baw dhimane
kabtay aaway iyo kiilalaw kaw ahbaad tidhiye
Waw kalax lugtii jeeni tidhi kuro usii dhaafe
Bal yar kaadso oo joog aduun kaamil noqon waaye

Keenadiid horaa soo arkoo , ciil ku hoy galaye
Ugaaskii Karaamada lahaa, kuma agjoogeene
Goor khayrleh buu kaa agtagay, kani adaygaaye
Kooraha waxaad soo sudheen ,waa dad kala geeye
Gujo kugu fogaatana marbaa, qaaq kor loo odhane
Kobra carabka soo taagay ,samo kumo heshiisaane
Kenii xaq yara dhawr yidhaa, kiikalaa dilaye
Kutanaani iyo dheeshu waa ,naar kulayl badane
Kufli cawsha dheeraysa iyo, diinka kuubada leh
Jiilaal karsamayaa markuu, kadinka soo dhaafo
Ee kayntu soo duubanto ee, kawshu wada yeedho
Koodii haraad qabi ma helo, kaalmo rooba lehe
Samir iyo kas uu leeyahay buu, guga ku gaadhaane
bal yar kaadso oo joog aduun, kaamil noqon waaye!

Hadii aan kormeerkii intaa, maanta ku ekeeyo
Oon kun iyo kaw jeer idhaa, kiina yara dhawra (istixgaliya)
Kariimkaa og inay qaadan talo ,kaafka loo sudhaye
Hayeeshee kuwaa soo koraa, kaalintay odhane
Mar hadaad kulaylkaa jiriyo, kalaftan aad raacday
oo aad kalaamkii Alliyo, karahday neecawda
Kama weeyi rayi kaa khaldamay, toban kunoo jeere
Ka iyo wawba waan kugu idhee, waanse kaa hadhaye
Bal yar kaadso oo joog aduun kaamil noqon waaye!

Abwaan: Maxamuud Cabdilahi Rooble

Gabaygan oo uu Awdalnews Abwaanku u soo diray wuxu u hore ug soo baxay Saylac.com maraky taariikhdu ahayd July, 19,2008  

 Send this article to a friend Printer friendly version Give Rate Comment (View: 14857 | Refer: 3 | Print: 1132 | Rate: 9.00 / 3 votes | Comment: 42)

Previous:
KIINIYAA IS DAGAASHAY (Geeraar) – February 02, 2008 - 01:52
Gabay baroordiia ah - geeridii Xasan Sheekh Muumin – January 21, 2008 - 12:33
Spare A Moment – December 19, 2007 - 14:58
Qaylo Dhaan: A dialogue between the Somali Flag and Dr. Abdirahman Beileh – November 20, 2007 - 16:25
TUSMO WADAJIR – June 21, 2007 - 13:22

 Articles&Opinions
NPWJ: “Kenya must arrest President Omar al-Bashir”
Brussels-Rome-New York, President Omar al-Bashir of Sudan arrived in Kenya this morning to attend the promulgation of the country's new constitution. President al-Bashir is the subject of an arrest warrant by the International Criminal Court (ICC) for genocide, war crimes and crimes against humanity committed...
August 31, 2010 - 11:49
Is it a Gaffe, Is it a Joke, Is it Cause for Removal?
Once in a while a senior political figure makes a statement that is so outlandish and ludicrous that one is forced to ask questions such as, “is he serious?; has he gone rogue like Sarah Palin?; has he lost touch with reality?” Such an event occurred the other day, when I saw comments reported on the Jamhuuriya website on...
August 09, 2010 - 22:51
Kulmiye’s Win: A Beginning of New Era or Politics of Business as Usual?
Now that Somaliland’s much anticipated presidential election is behind us and the victorious Kulmiye’s leadership in the driver set, what future holds for the down-trodden citizens? Is this a begging of new progressive era or politics of business as usual of the status quo? What does this victory mean for the average...
August 05, 2010 - 11:29
Thank You Mr. Rayalle
Today, 26th July 2010, Somaliland marks another watershed in its continuing story of progress, democratic achievement and political maturity. Today Ahmed Mohamed Mahmoud ‘Silanyo’ assumes the Presidency, having won the election held a month earlier, and Dahir Riyalle Kahin hands over the reins of power in a much...
July 27, 2010 - 01:19
A Proposal for the Mo Ibrahim Foundation Prize.
It is my understanding that this prize has been established to nudge African politics and politicians towards democracy and the rule of law, a direction in which the continent so reverently claims to head but often misses by 180 degrees. The matter has been debated, discussed and dissected at many a forum, the least of...
July 25, 2010 - 22:01
Requiem For A Disgrace
According to the definition given in the 1997 New Webster’s Encyclopedic Dictionary of the English Language, plagiarism is “the unauthorized use of the language and thoughts of another author and the representation of them as one’s own”.“To avoid plagiarism, an author should document sources properly using Footnotes, End...
June 28, 2010 - 21:38
Would UDUB Defeat/Kulmiye Victory be Bane or Blessing f or Somaliland?
Somaliland is going to the polls Saturday June 26, 2010 to elect its next president. Since, by all indications, it appears that the this election will be a fiercely contested one and all the counts will be very close with each party getting about 30% plus, it is difficult to predict which party will win. However, it...
June 26, 2010 - 20:28
The Year of Living Dangerously: The Generals and Other Notes of Forgotten Wars (Part I)\
“Even in the valley of the shadow of death two and two do not make six.” Leo Tolstoy. Folks, I have to make serious public confessions today that I would like share with the readers. It is a deeply guarded secret known only to close circle of friends and family members. You would assume I’m going to make...
June 22, 2010 - 02:06
Somalia: Original Bevin plan welcomed and 1897 and 1954 treaties repudiated
Mohamed Osman Omar, former Ambassador of Somalia to various countries including India, former Yugoslavia and the Sudan and as non-resident Ambassador to Sri Lanka and Singapore, was on May 28, 2010, among the speakers at the School of Oriental and African Studies (SOAS), University of London, on the occasion of the...
June 17, 2010 - 00:49
Somaliland Politics: The election fever and tribal politics.
The election fever is on its highest level and tribal politics which we thought we are grown out of it has taken its deepest root ever. We entered in the last two weeks of the presidential campaign. The three parties’ leaders are vying for the crucial votes. Politicking, campaign lies, false propaganda, and finger...
June 17, 2010 - 00:03
Archives... 
 Literature&poetry
Gabay - Bal yar kaadso
Gabay Magaciisa la yidhaa Bal yar kaadso oo ku socda kuwa quraanku ku tilmaamay ( Humasadi lumasadi) ayaan halkan ku soo bandhigaynaa inay akhristayaashu nala wadaagaan nalana dhuuxaan sugaanta muga weyn ee ku ladhan iyo ujeedada weyn ee ka danbaysa gabayga oo ah mid si toosa ugu socota dadka Jahadu ka luntey ee...
August 03, 2008 - 12:40
KIINIYAA IS DAGAASHAY (Geeraar)
Maansadan waxa tiriyeye Maxamed Xirsi Guuleed. Waxay soo baxday 2008-01-31 Waxay ku saabsantahay xaaladda siyaasadeed ee dalka Kenya ee cakirantay iyo saadaasha mustaqbalka ee Soomaalida u fiicnaan lahayd. Wuxu Yidhi: Kiiniyaa is dagaashay Doorashay isku maagtay Kun daday iska laysay Sidii daad isu jiidhe...
February 02, 2008 - 01:52
Archives... 

Health

Health

Sports

Sports
Radio Somaliland - Amoudonline - Amoudmed - Amoud university - Amoud Foundation - Warsanmag - Saylicipress - Lughaya - Boramanews - WaterSanitationMagazine - Hanua - Harowo - Jamhuuriya News paper - Sirag - Somaliland Forum - Somaliland Net - Haatuf News Paper - Somaliland Times - Markacadey - Hiiraan - Somaliland.org - TV Somaliland Europe - - Qaran News - wardheerNews - Waridaad - MaanHadal
© Awdalnews2003